Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa Holwgal dad badan lagu soo qab qabtay waxa ay ka sameeyeen waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Howlgalkan ayaa lagu soo qab qabtay dad ku dhow 40 Qof, waxaana qaarkood looga shakisan yahay in ay dhac iyo dil ka geysan jireen Waqooyiga Gaalkacyo.
Saraakiisha laamaha ammaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu sii soo socon doono Holwgalkan, ilaa nabadgelyada Magaalada Gaalkacyo ay ka noqoto mid la isku haleyn karo.
Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Magaalada Gaalkacyo Maxamed Muxudiin Saxansaxo ayaa arrimahaasi waxa uu uga waramay Feysal C/laahi Maxamuud.


