Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul ugu hadlay tartanta Kubbada Kolleyga Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka furmaya Magaalada Garowe.
Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in la doonayo in la fasahaadiyo Gabdhaha Muslimiinta ah, lana doonayo in Cooradooda banaanka la soo dhigo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay marar badan kala hadleen Wasaarada Cayaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir balse aysan dhageysan hadalkooda iyo talooyinkooda.