DHAGEYSO WAREYSI: Halka ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee K/Galbeed

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa si habsami leh uga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose, kadib markii shalay iyo maalinkii ka horeysay Magaaladaasi lagu doortay 16 xildhibaan oo ka mid noqday xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maanta Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in lagu doorto 7 xildhibaan oo ka mid noqda Aqalka Hoose, si loo soo gaba gabeeyo wajiga hore ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed Sayid Cali Baafo oo la halday Idaacadda Risaala ayaa sheegay Doorashooyinka Koonfur Galbeed in ay u socdaan si habsami leh maantana ay rajeynayaan in Magaalada Baydhabo ay ku doortaan 7 xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.