Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay Gaari Carib ah oo Walxaha Qarxa siday.
Gaariga ayaa lagu qabtay afaafka hore ee iskuulka Xaawo-taako ee Degmada Xamar Weyne.
Ciidanka NISA ayaa baaritaano ku wada Gaariga iyo sidoo kale cida halkaasi soo dhigtay sida Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ay Risaala u sheegeen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar xalane ayaa Idaacadda Risaala arimahaasi uga warbixiyay.


