DEG DEG: Gaari Walxaha Qarxa Sida oo Muqdisho lagu Qabtay

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar Weyne gaar ahaan iskuulka Xaawo-taako ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Walaxaha Qarxa Sida ay ciidanka NISA halkaasi ku qabteen.

Gaariga la qabtay nuuciisa ayaa lagu sheegay in uu ahaa Carib waxaana uu yaallay agagaarka iskuulka Xaawo-taako ee Degmada Xamar Weyne.

Ciidanka NISA ayaa baaritaano ku wada Gaariga iyo sidoo kale cida halkaasi soo dhigtay sida Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ay Risaala u sheegeen.

Goobta uu yaallo Gaariga ayaa agagaarkeeda la xiray, waxaana halkaasi soo gaaray Maamulka Degmada Xamar-weyne, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada amaanka.