DHAGEYSO WAREYSI: Duulimaadyadii Muqdisho oo la joojiyay Maalinta Doorashada

Dowladda Soomaaliya  ayaa sheegtay in la joojiyay dhammaan duulimaadyadii Magaalada Muqdisho 8-da Bishaan  oo ah Maalinta ay dhaceyso doorashada Madadaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Jaamac Jangali ayaa Risaala u sheegay in maalintaasi aysan jirin doonin Wax duulimaad ah oo imaanaya Magaalada Muqdisho ama ka baxaya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay , waxaan Talaadada iyo arbacadda xirnaan Doona Wadooyinka Muqdisho