Qunsulka Guud ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Yamen Axmed Cabdi Xasan “ Suudaani “ oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in ay baarayaan Meydad la sheegay in weli lagu la’yahay duqeyn ka dhacday Xeebaha Dalka Yamen.
Waxa uu sheegay in ay baarayaan meydadkaasi isla markaana ay Warbaahinta u soo bandhigayaan tirade guud ee duqeyntaasi ku waxyeeloowday.
Qunsulka waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay gurmad ugu sameyn lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada gaartay.
Waxa uu ka gaabsaday masuuliyada cida qaadeysa dhibaatada loo geystay dadka Soomaaliyeed balse Waxa uu sheegay in ay baarayaan.
42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay ka dib markii diyaarad Helicaptor ah ay ku weerartay doon ay saarnaayeen oo mareysay xeebaha dalka Yemen.
Dad ka badbaaday weerarka ayaa Warbaahinta u sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanayey dagaallada ka socda dalka Yemen.
Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.



