DHAGEYSO WAREYSI: Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib loo dhigay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ay dib u dhigeen Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib markii ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Feysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka Galmudug ay isku raaceen in dib loo dhigo Doorahsada Madaxweynaha.

Sababta ka dambeysa Doorashada in ay dib u dhigaan ayuu ku sheegay kadib codsi kaga yimid xubno ka tirsan Beesha Caalamka, maadaama ay kulan yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Galmudug iyo Micheal Keating.