DHAGEYSO: Howlgal dad lagu soo qab qabtay

Beledweyne-RisaalaFM- Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne.

Cali Dhuux Mahad-alle Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beldweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Howlgalada lagu soo qab qabtay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyaan falalka amni darada ah.

Waxa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beldweyne Cali Dhuux Mahad-alle Howlgaladan dadka lagu soo qab qabtay in ay in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono, si loo kala saaro.

Dhowaanahan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah.