DHAGEYSO WAREYSI: Diyaarad Qaad siday oo la celiyay

Diyaarad Qaad siday ayaa maanta laga celiyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen Maamulka Degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada magaalada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane ayaa Risaala u sheegay Laba Diyaaradood oo urarnaa ganacsatada Qaadka keena Baardheere oo maanta ka soo duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi in mid ka mid ah la celiyay, mida kalena ay dejisay rarkii.

Waxa uu sheegay Xuseen Cabdi Xalane amarka lagu celiyay Diyaarada Qaadka siday inuu lahaa sarkaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.