DHAGEYSO: Diyaarad Qaad siday oo la celiyay

Baardheere-RisaalaFM- Diyaarad Qaad siday ayaa maanta laga celiyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen Maamulka Degmadaasi.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada magaalada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane ayaa Risaala u sheegay Laba Diyaaradood oo urarnaa ganacsatada Qaadka keena Baardheere oo maanta ka soo duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi in mid ka mid ah la celiyay, mida kalena ay dejisay rarkii.

Waxa uu sheegay Xuseen Cabdi Xalane amarka lagu celiyay Diyaarada Qaadka siday inuu lahaa sarkaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddoomiyaha arrimaha bulshada magaalada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay sarkaalkan maalmahan in uu waday dhibaato oo uu ku hayay bulshada, Maamulka iyo Nabadoonada.

Guddoomiye Xalane ayaa sheegay Sarkaalkan Itoobiyaanka ah dhibaatadan in uu Maamulka ku hayo mudo ku dhow Afar bilood, wuxuuna sheegay ilaa iyo hada in aysan qaadin wax talaabo ah.

Waxa uu Sheegay in Ciidanka Itoobiya aysan kala jecleyn Ganacsatada Soomaaliyeed, Wuxuuna baaq udiray Shacabka oo ku aadan in ay ka fikiraan oo kaliya danahooda, isagoo sheegay arrintan in ay u gudbuyeen Maamulka Jubbaland.