DHAGEYSO WAREYSI: Dil ka dhacay Degmada Waaberi

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan gelinkii dambe ee maanta Degmadaasi in lagu dilay Gaashaanle Dhexe C/casiis Caraaye oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Sarkaalka, waxaana markii ay falkaasi geysteen kadib ka baxsadeen goobta.

War Shabaab goor dhow ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada dilka Gaashaanle Dhexe C/casiis Caraaye oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri ayaan arrimahaasi ka wareysanay.