Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday iyadoo ay tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.
Shacab aad u fara badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyo goobaha dalxiiska.
Wariyaal ka tirsan Idaacadda Risaala ayaa tagay wadooyinka waa weyn ee caasimada iyo goobaha dalxiiska si dareenkooda u weydiiyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee qeybta ka ah munaasabada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.
Shacabkii aan la kulanay ayaa inoo sheegay in ciidaan ay ka duwan tahay ciidihii hore.



