Muqdisho-RisaalaFM- Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi Black waa Aabo dhalay Hal gabar Bishii October ee sanadkii 2014 Kooxo hubeysan ayaa waxa ay ku dhaawaceen afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmada HowlWadaag ee Magaalada Muqdisho.
Wixii xilligaasi ka dambeeyay Wariyuhu waxa uu soo maray Xaalado Caafimaad oo kala duwan.
Sidoo kale Wariye C/risaaq Black waxa uu soo maray 3 qaliin oo dhanka caloosha looga sameeyay oo ah halka ugu badan oo xabadaha Kooxaha soo weeraray ay ugu dhufteen.
3 qaliin ee Wariyaha lagu sameeyay 2 ka mid ah waxaa loogu sameeyay oo uu xilligaasi ku jiray Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Halka qaliinka 3-aad loogu sameeyay isbitaalka Masaarida ee Magaalada Muqdisho.
3 qaliin ee lagu sameeyay Wariyaha ayaanan wax ka badalin dhaawiciisa iyo noloshiisaba waxa uuna weli la jiifaa dhaawaca soo gaaray isagoo maray 3 qaliin.
Ehelka Wariyaha iyo dhaqaatiir isugu jira Ajnabi iyo Soomaali ayaa soo jeediyay si loo badbaadiyo nolosha wariyaha in aan qaliin 4-aad loogu sameeyay gudaha dalka isla markaana loo qaado dalka dibadiisa.
26 bishii May ayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa uu si cad u balan qaaday in Dowlada ay dalka dibadiisa u qaadeyso dhaawaca Wariyaha C/risaaq.
Balan qaadka Madaxweynaha ayaa waxa uu niyada u dhisay Wariyaasha Soomaaliyeed oo ka walwalsanaa Xaalada wariyaha oo mudo 2 sano ka hor la dhaawacay.
Sidoo kale Waxaa wariyaasha Soomaaliyeed ay ku farxeen markii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Marwada Madaxweynaha Dalka, iyo Xubno ka socday Ururka Haweenka qaranka iyo kan gobolka Banaadir ay booqdeen Isbitaalka uu ku jiro Wariye C/risaaq C/risaaq.
Booqashada ka dib waxaa xilligaasi warbaahinta si wadajir ahula hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Marwada Madaxweynaha, waxayna sheegeen in dowlada Soomaaliya ay ka walwalsan tahay xaalada wariyaha uu ku sugan yahay.
Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi Black hada waxa uu jiifaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho Xaaladiisa wey ka sii dareysaa maalinba maalinta ka dambeysa sida uu Idaacada Risaala u sheegay Muuse maxamuud Jiisoow oo ka mid ah shaqaalaha TV-Somali Channel Xaruntiisa Muqdisho
Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay in muddo bil ah laga joogo balan qaadkii uu Madaxweynaha Sameeyay ilaa hadana aan jirin ifafaalo muujinaya dhaqan galka balan qaadkaasi.
Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in af oo keliya uu ku soo koobmay balan qaadka Madaxweynaha eek u saabsanaa wariye C/risaaq Black maadaama ilaa hada aysan jirin wax ka dhaqan galay.
Agaasimaha Idaacada Kulmiye Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo badan oo loo qaaday dalka dibadiisa inta uu isbitaalka ku jiro Wariyaha, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya loogu baahan yahay in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisa.
Wariyaasha ka howlgala Magaaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa dhankooda Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu tixgeliyo baaqa wariyaasha Soomaaliyeed ee ku aadan dhaqan gelinta balan qaadkii uu sameeyay Madaxweynaha.
W/D:- Axmed Cabdi Cali


