DHAGEYSO: Warbixin Dad badan oo ku dhibaateysan xarunta waaxda Socdaalka (immigration)

Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay heleysaa xog ku saabsan dad badan oo horay uga dalbaday Baasaboorka Somaliga Waaxda Socdaalka (immigration) oo fadhigoodu yahay dhismihii hore ee Shaqaalaha, in ay ku dhiban yihiin helista baasaboorka.

Waxaana dadkaasi ka mid ah dad dibadda howlo caafimaad ugu baahan iyo kuwo kale oo dano muhiim ah kaga xiran tahay baasaboorka, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkaasi oo Risaala la hadlay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in muddo bil ka hor ah la balamiyay hase ahaatee looga baxay balamo badan oo laga qaaday.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin xog badan xambaarsan oo warkaan ku saabsan oo uu inoo diyaariyay wariyaha Risaala Faysal Cabdullahi Maxamuud (Faysal Hanad).