DHAGEYSO: Taliska Ciidanka xooga dalka oo bixiyay amaro cusub oo ka dhan ah Shabaab

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa sheegay in ciidamada Milatariga Soomaaliya aysan u muujin doonin wax dulqaad ah ruux ka tirsan AL-shabab oo ay ciidamada gacanta kusoo dhigaan.

Waxa uu sheegay in aan la geyn doonin Xabsi shaqsigii ka tirsan Shabaab ee lasoo qabtaa, oo ay ciidamadu toogan doonaan.

Taliye Indhaqarshe  waxa uu xusay in hadda kaddib xubnaha ka tirsan Al shabaab laga qaadi doono Tallaabo adag, maaddaama ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda, sidaas darteedna aysan jirin sabab xabsiyada loo geeyo sida uu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Hadalkan Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa ku soo aadaya iyada oo khamiistii lasoo dhaafay Taliyihii iyo abaanduulihii qeybta 12’ka April lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoona aaskii saraakiishaas uu ka qeybgalay Indha Qarshe, sheegayna in ay ka aarsan doonaan AL-shabaab.