Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.
Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.
Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo la dhigay Igoyska Kaawo Godey.
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto.
Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadka ku amraya in ay goobta ka fogaadaan.



