DHAGEYSO: Warar ku saabsan Maxaabiis Xabsi ku geeriyootay

Wasaarada Cadaalada Maamulka Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay Maxaabiis ku geeriyootay gudaha Xabsi ku yaalla Magaalada Burco.

Wasaarada Cadaalada ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii wax loogu qaban lahaa Xaalada Xabsiga isla markaana loo badbaadin lahaa Maxaabiista ku jirta Xabsiga.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Cadaalada Maamulka Somaliland Khadar Axmed Diiriye ayaa sheegay in Wasaarada Cadaalada ay wax ka qabaneyso Xaalada Xabsiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshooyin hormarineed ay u dajinayaan Xabsiga Magaalada Burco, kana shaqeynayaan sida uu sheegay sidii daryeel Caafimaad loo siin lahaa Maxaabiista.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada burco Waxaa ku geeriyooday 3 ka mid ah Maxaabiista Xabsiga ku jirta ka dib Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay Halkaasi.