Muqdisho-RisaalaFM- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Todobaadkan ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay guul ku soo dhamaadeen.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa warbaahinta u aqriyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Horey Madaxda Madasha Qaran ayaa waxa ay isla go’aamiyeen xilliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya, waxaana markii dambe ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka xilliga ay dhaceyso Doorashada dalka.


