Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo ku shirsanaa Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay ayaa ugu dambeyntii soo saaray war Murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo looga hadlaayay waxyaabihii lagu heshiiyay.
Qodobadda waxaa ka mid ah in la dardargaliyo Iskaashiga dhaqaallaha ee dalalka Geeska Afrika iyo waliba Nabadda.
In dowladda Eritrea ay taageero ka siiso Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa Hay’addo Ammaan oo xooggan,kuwaasoo Soomaalidu ay aaminikarto.
Waxaa sidoo kale ka mid ah Qodobadda kasoo baxay kulankii Labadda Madaxweyne in si weyn loo xoojiyo xiriirka labadda dal, islamarkaana laga hortaggo waxyaabaha qalqal galin kara Ammaanka labadda dal.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u aqriyay dhammaan qodobadd ku xusan War Murtiyeedka.



