DHAGEYSO: Wakiilo matalaya Puntland oo shirka Turkiga ka qeyb galay

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulka Puntland ka qeyb galeen shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaasi oo looga hadlayo amaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala isaga oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in shirka Turkiga ka qeyb galeen wakiilo matalaya maamulka Puntland.

Afhayeenka, ayaa sheegay wakiilada matalaya Puntland ee ka qeyb galay shirka ay yihiin kuwo ka yimid deegaanada Puntland.

Dhinaca kale afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la filayo in lasoo gabo-gabeeyo shirka ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, lagana soo saari doono warmurtiyeed.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo badan oo matalayay dowladaha daneeyo arimaha Soomaaliya iyo ururo badan oo caalamka matalayay.