DHAGEYSO: Wafdi ka tirsan Hiiraan oo gaaray Sh/Dhexe

Wafdi isugu jira Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal iyo masuuliyiin uu hogaaminay Sheekh Xuseen Cismaan Cali gudoomiyaha arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa aya gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa garoonka ku soo dhaweyay gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo ku xigeenadiisa.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali gudoomiyaha arimaha bulshada ayaa ujeedka ay u yimaadeen Shabeelaha Dhexe ku sheegay in ay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isagoo intaa ku daray in maalinta bari ay imaan doonaan wufuud kaloo ka socota Hiiraan gobolka Shabeelaha Dhexe.