DHAGEYSO: Wafdi ka socda dowladda oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo wasiiru dowlaha  wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana halkaasi  ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka halkaasi ay u tageen ayaa waxa ay tahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Dhexe waxaana ay qeyb ka tahay sidii loo amba qaadi lahaa shirkii maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo hakad ku jirtay.

Agaasimaha warbaahinta Shabeelaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin Aaloos oo Idaacadda Risalaa la hadlay ayaa ka warbixiyay wafdiga maanta gaaray magaalada Jowhar.