Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo waliba Midowga Yurub oo si wadajir ah u socday.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminyay wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Khadro Bashiir Cali, waxaana sidoo kale qeyb ka haa wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya.
Wafdiga ayaa marka ay tageen magaalada Kissmaayo waxay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe iyo waliba xubno ka tirsan maamulkiisa.
Waxay sidoo kale wafdigu si wadajir ah u dhagax dhigeen iskuul ku yaala xaafada Farjano ee bartamaha magaalada Kismaayo.
Khadro Bashiir Cali ayaa waxa ay sheegtay in iskuulkan loogu talagalay in ay wax ku bartaan caruurta ku nool magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in maamulkiisa waxbarashada muhiimada gaar ah uu siin doono maadaama waxbarashada ay qeyb ka qaadato sugidda amniga.
Iskuulka ay maanta dhagax dhigeen xubnahan magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhismihiisa bixinaya Midowga Yurub.


