Cadaado-RisaalaFM- Wafdi isugu jira Salaadiin iyo Odayaal Dhaqameed ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay kaga qeyb qaadan doonaan Ololaha loogu jiro arrimaha Doorashooyinka.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda abaabulka loogu jiro Doorashada xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Deegaanada Galmudug.
Suldaan Xasan Cabdulle Kaariye oo ka mid ah 135-ta Oday iyo Madax dhaqameed kale ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Qaar ka mid ah Waxgaradka maanta gaaray Magaalada Cadaado ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay arrimaha Doorashooyinka in ay ku soo dhamaadaan sidii loogu tala galay.


