DHAGEYSO: R/wasaaraha oo Mareykanka kala hadlay Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke op maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee Stven Shawarez ayay kaga wada hadleen dar dar gelinta Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya Dalka, adkeynta amniga goobaha loo diyaariyay in ay ka dhacan Doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stven Shawarez ayaa Dowladda Soomaaliya ku amaanay hormarka ay ka sameysay dhinaca diyaar garowga arrimaha Doorashooyinka, islamarkaana Dowladda Mareykanka ay gacan ka siineyso Soomaaliya sidii Dorashooyinkan ay ugu dhici lahaayeen si nabad ah.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xusay in Soomaaliya sanadkan ay diyaarisay qorshaha Doorashooyinka taas oo ka dhaceysa 5 goobood oo kala duwan.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stven Shawarez oo qaatay mudo saacado ah ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay la Taliyaha arrimaha Doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/qani Cabdi Jaamac.