Muqdisho-RisaalaFM- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Tababar u furay Boqolaal Askari oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qeyb ka ah isku dhafka Ciidanka Xoogga.
Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada hormar ku aadan isku dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo u jeedkiisa uu yahay sidii loo bilaabi lahaa Howlgal ka dhan ah Shabaab.
Dhalinyaradan Askarta ah ee Tababarka loo furay ayaa waxa ay ka kala yimideen Gobolada Dalka, waxaana Tababarkooda uu socon doonaa mudo Bilooyin ah.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa faah faahin ka bixiyay Boqolaal Askari, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya Ciidanka isku dhafka ah, waxaana Tababarkan uu uga socdaa Dugsiga Tababarka ee Gen. Gordan ee ay maamusho Dowladda Imaaraadka Carabta.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa maanta soo gaaray goobta uu Tababarkan uga socdo Dhalinyaradan, waxaana ay u kuur galeen sida ay u socota xulista Dhalinta loo qaadanayay Ciidamada.
Duuliye Nuur Aadan Nuur oo ah la Taliyaha Wasiirka Gaashaandhigga ahna Madaxa diiwaan gelinta Ciidanka isku dhafka ah ayaa ka warbixiyay Tababarkan iyo qaabka uu u socdo.


