Boorama-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaari oo nuuca raaxada ah, kuwaas oo damcay in midba midka kale uu si xoogan ku akmaro.
Intla la xaqiijiyay 4 Qof ayaa ku geeryootey, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 5 Qof oo kale, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa loola cararay isbitaal ka akdhowaa goobta uu shilka ka dhacay, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.
Ciidanka Ilaalada wadooyinka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu shilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano lagu ogaanayo cida qaladka iska leh.


