Boorama-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Boorama ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaari oo nuuca raaxada ah, kuwaas oo damcay in midba midka kale uu si xoogan ku akmaro.
Intla la xaqiijiyay 3 Qof ayaa ku geeryootey, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa loola cararay isbitaal ka akdhowaa goobta uu shilka ka dhacay, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.


