DHAGEYSO: Isbedel lagu sameynayo Waxbarashada Deegaanada Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay in ay sare u qaadayaan Waxbarashada sare ee Deegaanada Jubbaland oo haatan laga sameynayo goobo Waxbarasho oo dhanka Jaamacadaha ah.

Wasiirka Waxbarashaa Maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay ayaa arintan faah faahin ka bixiyay, isagoo sheegay in ay tahay wax aad loogu farxo.

Maxamed Ibraahim Wasiirka Waxbarashaa Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in markii ugu horeysay Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed dib looga hirgelinayo Magaalada Kismaayo, taas oo aanan shaqeyn wixii ka dambeeyay bur burkii Dalka ka dhacay.