Wasiirka Wasaaradda Dastuurka dowladda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan wadahadallo ku saabsan dib u eegis lagu sameyn doono dastuurka dalka.
Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale tilmaamay in wadatashiyadda ay ka qeyb qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Shirweyne looga hadlaayo Dastuurka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Dastuurka maamul goboleedyadda ayaa waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho sida uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka.


