DHAGEYSO: Wadajir iyo Xamar Jajab oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo si xiiso badan xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala uu uga socdo Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa galabta Tartan xiiso badan uu dhexmaray Degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir  oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir, waxaana tartanka maalgalineysa oo abaalmarina qaali ah ku bixineysa shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Tartanka Sanadkan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Maamulka Idaacadda Risaala iyo Maamulka Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa horey waxa ay usheegeen in degmadii Tartankan ku guuleysata abaalmarinteeda ay heli doonto ciida ka hor.

Degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Wadajir ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Xamar Jajab, waxaana weli degmada Xamar Jajab ay heystaa fursado kale maadaama kulankeedii ugu horeeyay galabta ay tartantay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Gudiga Tartan Aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Xamar Jajab iyo Wadajir.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 5 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona Degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan oo kuwada jira Group C.