Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan magaalada Beledweyne.
Ugaaska ayaa sheegay in madaxweynaha ay hor-dhigeen 3 qodob oo kala ah in marka ah Gobolka Hiiraan ay wax la qeybsato 8-dii Gobol ee uu dalka lahaa, in dib u heshiisiin la dhigo iyo in gogosha lagu soo celiyo Beledweyne.
Ugaaska ayaa sheegay in aanay wax diidmo iyo aqbalaad midna aanay kala kulmin Madaxweynaha, waxaana uu xusay in horay codsigan ay ugu jeediyeen Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ra’iisul wasaaraha.
Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ay gogoshiisa taalo Jowhar ayaa wali hakad uu ku jiraa, iyadoo dowladda federaalka isku dayayso sidii shirka dib loogu furi lahaa, odayaasha dhaqanka ee saluugsan ay uga qeyb geli lahaayeen.


