Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Bashiir Goobe iyo Taliyaha cusub Xuseen Xasan Cismaan.
Xafladan xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay mudadii uu xilka hayay in ay wax ku soo kordhiyay Ciidanka Alsuubta, isaga oo tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka wareejiyo.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Xuseen Xasan Cismaan horeyna u soo qabtay xilkan ayaa sheegay in ay halkan ka sii wadi doonaan shaqada, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan Dowladnimada.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay Labada Taliye ee maanta xilalka isku wareejiyay in ay yihiin dad wax badan ka garanaya arrimaha Ciidanka gaar ahaan shaqada Ciidanka Asluubta.




