Baydhabo-RisaalaFM- Wafdigan ka socday Qadar ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay gaaray ayaa waxaa wehlisay Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim.
Ujeedka Wafdigan ay u gaareen Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay u kuurgalida dadka ay Abaaraha ku saameeyeen Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdigan ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo diirada lagu saaray sidii loo caawin lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim iyo wafdiga ka socday Dowladda Qadar, waxaana ay ka warbixiyeen kulankii ay wada qaateen.



