Dhageyso: Taliye ku xigeenka NISA Hawlwadaag oo beeniyay inuu is qarxiyay

Taliye ku xigeenka Nabad Suggida Degmada Hawlwadaag Axmed Khayr Cadow ayaa beeniyay inuu isku qarxiyay xarunta Degmada Hawlwadaag.

Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa qortay war la xiriira in Taliye ku xigeenka Nabad Suggida Hawlwadaag ui isqarxiyay.

Taliye Axmed Khayr oo la soo xiriiray Idaacada Risaala ayaa beeniyay arrintaasi, wuxuuna sheegay Warbaahintii warkaasi sheegtay in baaris lagu haayo.

Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi oo ahaa Ismiidaamin uu fuliyay ruux kaxeynaayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.