DHAGEYSO: Taliyaha Booliska Puntland oo ka hadlay Shaqo joojin lagu sameeyay

Taliyaha Booliska Maamulka Puntland C/Qaadir Shire Faarax (Ereg) oo uu shaqo joojin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa arintaasi ka hadlay.

Waxaa uu sheegay  Madaxweyne ku xigeenka Puntland in uu ku sameeyay Shaqo jooijin Sharci daro ah,islamrkaana uu shaqadiisa sii wadan doono.

Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii uu Camey ku amray Erag in uu shaqo joojin uu ku sameeyo Taliye qeybeed ka tirsan Booliska Puntland oo lagu eedeeyay in uu xabsi kasii daayay dhalinyaro.

Khilaafka u dhaxeeyay hoggaanka ciidamada Puntland iyo Madaxda Sare ayaa taagnaa Bilihii lasoo dhaafay.