Taliska Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin Guud ka bixiyeen howlgallo qorsheysnaa oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Taliyaha Ururka 49aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen meel 50km u jirta degmada Baardheere halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in tuulada ay howlgalka ka fuliyeen ay Shabaab ku heysteen xoolo isugu jira Ari iyo Geel oo ay markii hore si qasab ah uga qaateen dadkii lahaa sida uu hadalka u dhigey.
Intii uu howlgalka socday ayuu sheegay inay Al-Shabaab kasoo furteen xoolihii ay heysteen iyo hub farabadan,sidoo kalena ay ka dileen laba xubnood,isla markaana xoolaha ay Shabaab kasoo furteen ay ku wareejin doonaan dadkii lahaa.



