Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay iney si joogto ah u fuliyaan howgalka ka dhanka Alshabaab oo ay geystaan ciidamada sida gaarka u tababaran.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka General Cali Baashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka u tababaran ee xooga dalka ay fuliyaan mar walbaa howlgal ka dhan ah Alshabaab.
Wuxuu sheegay in weerarada ka dhanka ah Alshabaab ay yihiin kuwo la sii joogteynayo, si looga guuleyso kooxaha amniga ka hor imaanaya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay yihiin kuwo saacad kastaa ay fuliyaan ciidamada dowlada Soomaaliya, sida uu sheegay.


