DHAGEYSO: Mareykanka oo ka hadlay duqeynta lagu dilay Mr Dhoore

Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay dileen sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan , kaasi oo Mareykanka uu sheegay inuu abaabulay weeraro badan oo muwaadiniin American ah lagu dilay.

Afhayeen u hadlay waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay dileen Mr Xasan Cali Dhoore oo Alshabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale  Afhayeenka wuxuu sheegay in Dhoore uu ka dambeeyay weerar qorsheysan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo lagu dilay muwaadin American ah.

Waxaa kale oo la sheegay in Dhoore uu abaabulay weerar ka dhacay hotel Maka Al mukarama oo muwaadin American ah lagu dilay.