DHAGEYSO: Taliska Ciidanka Asluubta oo digniino soo saaray

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Xuseen Xasan Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar kasoo saaray boob uu sheegay in lagu haayo dhulka ay leeyihiin ciidamada Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  ayaa uga digay dadka in  ay ka hantiidooda ku lumiyaan dhulka danta guud oo ay leeyihiin Ciidanka Asluubta,shaqsiyaadka doonayo in ay dhistaan dhulka Ciidanka Asluubta islmarkaan ka waantooban.

Waxaa uu sheegay in aan la qabali doonin in shaqsiyaad gaar ah ay boobaan dhulka ciidamada Asluubta.

Muddooyinkii ugu dambeyeey ayaa waxaa jirtay dad isku dayay in ay dhistaan dhulka danta guud oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya,waxaana jirta dad badan oo laga saaray dhul ay si sharci daro ah ku dhisteen.