Dhageyso:-Taliska Booliska Dhuusamareeb oo Amaro soo saarey

Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen amaro la xiriira dhinaca Amniga,kadib howlgallo ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Magaaladaasi.

Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa marka hore sheegay in Magaalada gebi ahaan aan lagu arki karin dad soo gelinaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay Khamrada kamid tahay.

Isaga oo ka hadlayay arrimo la xiriira Amniga ayaa waxaa uu sheegay in mararka qaar Magaalada lagu arko dad isku wata dharka Shacabka iyo hub taasina aysan aqbaleyn Hay’adaha Amniga.

Askarigii lagu arko isaga oo wata dhar Shacab iyo hub ayuu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono,waxaana uu Ciidamada uu ugu baaqay in xilliyada ay hubeysan yihiin ay soo qaataan dareeskooda.