Ciidamada Dowladda oo fuliyey howlgal qorsheysan

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameyeen degaanka Raydab oo qiyaastii 40Km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalkaasi ku dileen Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka howlgalka laga sameeyey.

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, ee XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas ay kusoo furteen Hub iyo Saddex Boqol oo neef oo Ari ah oo ay Al-Shabaab ka qaadeen dadka shacabka ah ee ku nolaa baadiyaha hoos taga degaanka Raydab.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inĀ  howlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayey Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro kala duwan ka fuliya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Si kastaba majirto cid weli xaqiijisay warkaan kasoo yeeray taliska Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo oo ku aadan inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab hubna kasoo furteen.