Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaduudaha Hir-Shabeelle oo la Magacaabey

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay magacaawday Guddiga Xaduudaha Hir-Shabeelle.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa lagu Magacaabey Guddiga oo ka kooban 9 Xubnood,kuwaas oo laga soo kala xulay Maamulada degmooyinka Hir-Shabeelle, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Baarlamaanka.

Wareegtada ayaa sidoo kale la ogeeysiiyey  Guddiga madaxa banaan ee  xaduudaha & Federaalka in Xubnahaas ay wakiil ka yihiin Maamulka Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga la Magacaabey.