Shaki badan ayaa laga muujinaya in uu maanta dhici karo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo looga hadlaayo Xaaladda Ammaanka dalka, islamarkaana ay hortagi doonaan Hay’addaha Ammaanka.
Kulankaan ayaa looga yeeray Dhammaan Mas’uuliyiinta Laamaha Amniga dalka si wax looga weydiiyo Ammaan daradda Muqdisho.
Labo kulan ayaa horay u baaqday ka dib markii la waayay Kooramkii Xildhibaanada ee loo baahnaa.
Xildhibaan Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Risaala u sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu maanta furmo kulanka Golaha Shacabka.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Dalxa.



