DHAGEYSO: Suuqyada Muqdisho oo laga dareemayo diyaar garowga Ciida

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa fooda inagu soo heysa Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyadoo suuqyada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho laga dareemayo diyaar garow aad u balaaran.

Suuqdyada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho mashquulka fara badan laga dareemayo waxaa ka mid ah Bakaaraha, Xamar weyne iyo Suuq Bacaad, waxaana sidoo kale mashquul uu ka jiraa goobaha lagu iibiyo waxyaabaha mac macaanka oo ay ka mid yihiin Buskudka, Xalwada iyo waxyaabo kale.

Waalidiin fara badan ayaa waxa ay caruurtooda u wadaan suuqyada lagu iibiyo dharka ciida si ay u soo dooqdaan labiska ay rabaan.

Ganacsatada qaar ee iibisa dharka Ciida ayaa oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ciidihii hore iyo ciidaan uu isbedel weyn udhaxeeyo.

Dadka Islaamka ah ayaa guud ahaan waxa ay  u diyaar garoobayaan Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyadoo maalinta beri ah la filayo in ay noqoto 1-da maalinta Ciidul Fidriga.