DHAGEYSO: Soomaaliya oo yeelanaysa Manhaj mid ah

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sameynayso Manhaj cusub kasoo loogu tala galay in lagu hormariyo waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxaa uu sheegay in ay bilaabayaan qorista Manhajka waxbarashada Soomaaliya .

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya yeelato Manhaj dalka oo dhan laga wada barto.

Wasiirka ayaa xusay in sanadka 2018-da Manhaj mid ah dalku uu yeelan doono ,islamarkaana la geli doono  imtixaan mid ah.