DHAGEYSO: Soomaaliland “Waan ku guuleysanay inaan joojino Dagaalada Sanaag”

Iyadoo Maalmihii udambeeyay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ay ka dhacayeen Dagaal beeleedyo ayaa waxaa maanta arimahaasi ka hadlay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in ay ku guulesysteen joojinta Dagaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaaliland Yaasiin Xaaji Faratool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Sanaag.

Wuxuu sheegay in ay u direen ciidamo kala dhex gala Beelahaasi, sidoo kalena ay ku dhex jiraan Waxgarad nabada ku soo celinaya Gobolka Sanaag.

Dagaaladii ka dhacay maalmihii u dambeeyay Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku dhintay 14 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 30 Qof.

Shalay ayay aheyd markii Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay Maamulka Soomaaliland ugu baaqday in ay kala dhexgasho Beelaha Walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Gobolka Sanaag.