DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ka warbixisay Dagaalo ay la galeen Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wuxuu faah fahin ka bixiyay Dagaaladii dhowaan ay la galeen ururka Al-shabaab kuwaas oo ka dhacay Deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa wuxuu sheegay Dagaaladii ay la galeen Dagaalyahanada Shabaab in ay guulo weyn ka soo gaareen ciidanka gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay Deegaanada Koonfur Galbeed inta badan in ay gacanta ku hayaan Ciidanka Dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan Howlgallo Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.