Dhageyso:-Soomaaliland oo ku dhawaaqday Go’aan ka dhan ah Maraakiibta Shisheeye ee ka kalluumeysta…

Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa faah faahin kabixisay sababaha keenay inay go’aano ka soo saaraan Maraakiibta Shihseeye  ee ka kalluumeysata Xeebaha deegaanada Soomaaliland.

Soomaaliland ayaa sheegtay inay dhibaato ku qabto Maraakiibta Shisheeye,isla markaana dhaqaalaha ay ka qaadaan iyo kalluunka ay ka jilaabtaan Xeebaha Soomaaliland ay tahay wax kala fog sidaasi daraadeedna ay uga joojiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliland Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhaaa) ayaa sababta ay u joojiyeen Maraakiibta Shisheeye ay tahay in lacagaha ay bixiyaan ay tahay mid yar,sidoo kalena Maraakiibta Shisheeye qalabka ay isticmaalaan uu yahay mid kheyraadka jariifinaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in  ay muhiimad weyn siin doonaan Kalluumeysatada Soomaaliland oo cabasho ballaaran ay ka timid.